Madaxweynaha Kenya oo dhulka ku jiiday Xildhibaanada cusub ee Kenya

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa si kulul uga hadlay qorsho ay Xildhibaanada Kenya ku dalbadeen in loogu kordhiyo mushaaraadka.

Xildhibaanada, ayaa waxay qaarkood soo jeediyeen in la kordhiyo mushaaraadkooda, sababo ku aadan mushaaraadkaasi oo aan ku filnayn.

Uhurro Kenyatta ayaa cambaareeyay dalabka ay Xildhibaanada ku dalbanayan in la kordhiyo mushaaraadka loogu talagalay, waxa uuna ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan habayaraatee iimaan laheyn.

Madaxweyne Kenyatta waxa uu wacad ku maray inaanu saxiixi doonin, hindise kasta oo mushaaraadka lagu kordhin karo, waxa uuna cadeeyay in Xildhibaanada cusub ay yihiin kuwo dagaal kula jira dhaqaalaha dalka.

”Waxaan orankaraa waa kuwo ka tagay xishoodka waxaa u muuqda uruursiga dhaqaalaha sidaa aawgeed aniguna ma iga fili doonaan inaan saxiixo hindise kasta oo mushaaraadka lagu kordhin karo”

”Waa inaanu fahamnaa in naloo diray inaan dadka u shaqayno, balse aan loo baahnayn inaan ka faa’iideysano dhaqaalaha dalka lagu ilaalinaayo”.

Waxa uu Mr Kenyatta intaa raaciyay “Waxaan rabaa inaan si cad oo daah saarnayn u sheego, waxaan si buuxdo u taageersanahay soo jeedinta Guddiga SRC, ee ku aadan mushaar yaraynta, kaa oo yaraynaya mushaaraadka mas’uuliyiinta dowladda”.

Haddalka Madaxweyne Kenyatta ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ay kaalmaha koowaad uga jiraan kuwa ugu mushaarka badan Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com