Cadaado oo la ciirciireysa Gurmad ciidan & Ahlusuna oo banaanka soo dhigtay Hubkii ugu cuslaa

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah oo kasoo baxaaya dhaqdhaqaaqa ka socda magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaa ay saacado un ka hor gaareen gaadiid dagaal oo gurmad u ah maamulka Galmudug.

Gaadiidka dagaal oo dhowr ah ayaa ka ka dhaqaaqay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kuwaa oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada iyo gaadiidka gurmadka oo ay wataan ayaa ku biiray Gurmadkii hore ee Gaalkacyo ka yimid kuwaa oo la sheegay inay xoojinayaan ciidamada maamulka.

Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanka Godinlabe, oo ay ku sugan yihiin ciidan kale oo taabacsan Maamulka Galmudug, iyadoona ay Galmudug qorsheynayso weerar ka dhan ah Magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Ahlu Sunna oo ka warhelay dhaqdhaqaaqa ay wado Galmudug ayaa dhankeeda ciidamo farbadan kasoo dhoobtay Deegaanka Mareergur.

Gurmadka ugu badan ee Ahlusunna ayaa ka kala imaaday Magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel, kuwaa oo iminka buuxinaaya daafacyada Mareergur iyo Mirig.

Dadka deegaanka ku harsanaa ayaa isaga baxay sababo la xiriira dhaqdhaqaaqa socda oo ka xoogbadan kuwii hore.

Geesta kale, Hogaamiyaha maamulka Galmudug oo shir degdeg ah la qaatay Saraakiisha maamulka ayaa ku amray inay u diyaar garooban dagaal fool ka fool ah oo ay la gali doonaan maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com