Hanti-dhawraha qaranka oo iska casilay xil uu ka hayey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii guddoomiyaha guddiga sare ee Mustaqbal Media (MMBOD), kaasi oo uu hayay laga soo bilaabo March 2015-kii.

Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan wuxuu Guutaale u magacaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

War-saxaafadeed uu soo saaray Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa waxa uu ku yiri “Waxa aan go’aansaday in aan iska casilo xilka guddoomiyaha guddiga sare ee MMBOD.”

“Shaqada sharciga, saxaafadda iyo bixinta kaalmada qaanuunka waxa aan ku qaatay muddo ku dhow 20 sano, labaduba waxa ay kamid yihiin shaqooyinka aan aadka u jecelahay horumarintooda iyo hagaajintooda, waaya-aragnimadii aan ka helay iyo wixii aan ka bartay waxa aan uga faa’iideysan doonaa kaalinteyda cusub, taas oo aan haddii Alle idmo ugu adeegayo dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed,” ayuu sidoo kale ku yiri qoraalkiisa Guutaale.

Guutaale oo xilkan loogu magacaabay soo jeedinta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa uu bedalaya Maxamed Cali Afgooye oo horay xilkan usoo hayey, kaasi oo ay magacowday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu horay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare, wuxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxali ah.