Taliska booliska oo meesha ka saaray fududeeyihii laga qeyliyay ee xarunta CID-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa maanta shaaciyay in uu xaliyay caqabado badan oo bulshada reer Muqdisho ka haystay shaqada CID-da.

Taliye Sulub ayaa waxa uu sheegay in uu gebi ahaanb meesha ka saaray wixii la oran jiray fududeyaha, kaasi oo lacago laaluush ah dadka uga qaadan jiray u fududeynta howlaha shaqo ee CID-da.

“Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib aysan jiri doonin qof la weydiinayo lacag dheeraad ka ah adeega uu CID u tagay, taasi oo meesha ka saareysa musuq-maasuqii hore uga jiray xaruntaan.

“Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adeegayo bulshada waxa rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.”

Taliye Sulub ayaa 4-tii bishaan xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska, wuxuuna ballan-qaaday aheyd inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ayaa sidoo kale waxa laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka.

Si kastaba, dib u habeynta lagu sameeyay xarumaha CID-da ee bulshada Muqdisho u adeeg doonato ayaa si weyn loo bogaadiyay, maadaama ay hore u aheyd xarun ku suntan musuq-maasuq.