Saraakiisha xabsiga dhexe oo diiday inay xiraan Cabdalla Muumin kadib xukunkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Asluubta ee Xabsiga Dhexe ayaa shalay daayay, dibna ugu celiyay xoriyadiisa Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay laba bilood oo xabsi ah.

Wariye Cabdalla Muumin oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS ayaa sii deyntiisa waxa uu taliska asluubta ku macneeyay inuu hore u dhameystay xukunka lagu riday, sida uu warbaahinta u sheegay Cabdalla.

“Waxaa laygu soo eedeeyay qoddobada kala ah 219, 321 iyo 505 oo dhamaantiin ay yihiin wax lagu qoslo runtii in xiligaan la joogo Soomaaliya. Saaka markii uu xukunka igu dhacay waxaa la iigeeyay xabsiga dhexe, waxay saraakiisha xabsiga dhexe xisaabeen waxa meesha ku qoran, kadib waxaa soo baxday in aan anigu dheeraad leeyahay oo wax iga maqan yihiin,” ayuu yiri Wariye Cabdalla Muumin.

“Way isoo fasaxeen, waxay igu dhaheen iska bax fasax ayaa tahay. Sidaas ayay wax u dhaceen oo waxaa soo wadna faah-faahino badan oo kiiskan la xiriira, waxaa soo wadna cadeymo tiro badan oo ku saabsan kiiskan.”

Sii deynta Cabdalla ayaa timid kadib markii uu taliska asluubta ee xabsiga dhexe uu eegay waraaqaha xukunka maxkamadda gobolka Banaadir iyo muddada xukun-suge ahaa wariyaha oo ku dhow 4 bilood, waxay sheegeen inaysan haysan sharci ay xabsi ku geliyaan muddo ka badan inta la xukumayna uu xabsinaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo isagu ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu sheegay in go’aankan loo cuskaday hal qodob oo kamid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla, iyadda oo labada kale lagu waayey.

Cabdalla ayaa maxkamadeyntiisu soo martay illaa 4 wareeg, ayada oo su’aalo toos ah uu weydiiyey guddoomiyaha maxkamadda, isaguna uu toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey maxkamadda, waxaana ninkan markii ugu horeysay la xiray October 2022-kii.

Kiiskan ayaa soo if-baxay kadib amarkii dowladda ee ahaa “in aan la baahin karin wararka Al-Shabaab,” kaas oo uu ka horyimid, kadib markii uu ka hadlay shir jaraa’id oo ay ururada u dooda saxufiiyiinta madaxa bannaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-Shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gebi ahaanba Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xad-gudbeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, islamarkaana ay go’aanadaasi caburin yihiin.