Hanti dhowrihii Jubbaland oo ku geeriyooday NAIROBI

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistii waxaa xalay magaalada Nairobi ku geeriyooday hanti dhowrihii guud ee maamulka Jubbaland, Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayey gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ugu dambeyn uu ku dhintay.

Dayib ayaa sidoo kale ka mid ah ahaa aas aasayaashii dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland, iyadoo geerida ku timid uu ka tacsiyeeyey madaxweynaha maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa waxaa tacsi loogu diray ehellada, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan reer Jubbaland.

Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdawso.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo kan Goleyaasha kala duwan ee Dowlada waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland, qaraabadii, qoyskii iyo Saxiibadii uu ka baxay uga Tacsiyeeyay Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland Marxuum Cabdicasiis sheekh Xuseen Dayib oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis wuxuu ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markana hormuud u ahaa nabada iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee ummada.

“ Marxuum Cabdicasiis wuxuu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland isagoo mar walba ay ku weynayd sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad iyo walaalnimo ugu wada noolaan lahayeen wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala duwan isagoo wakhti iyo naf huris u muujiyay wakhtiyo adag oo bulshadu ay u baahnayd.” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu Alle “SWC” uga baryay marxuumka inuu u danbi dhaafo naxariistii janana rabi uu ka waraabiyo.