ODOWAA: Golaha Shacabku ma wuxuu noqday albaab furihiisa Farmaajo heysto?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay.

Xildhibaan Odowaa ayaa shirkiisa jaraa’iid kusoo hadal qaaday kulanka loo ballansan yahay Sabtida ee mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo waxa laga filan karo, wuxuuna shaaca ka qaaday in Golaha Shacabka uu noqday gole sacab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanadii ansixiyey muddo kordhinta labada sano ay markale ka noqon doonaan go’aankaasi, kadib markii uu socon waayey.

“Waxaa ii muuqata markale in xildhibaanada Golaha Shacabka ee maalin dhoweyd la siray in haddana loo keeni doono oo ay sacbi doonaan oo ay dhihi doonaan waa ka laabanay labadii sano,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa).

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo sheegay in Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka dhigay albaab uu furihiisa isagu heysto.

“Haddaba Golaha Shacabku ma wuxuu noqday fure albaab furihiisa Farmaajo heysto?, subixii uu rabana uu furto. baabuur matoorkiisa la kicinaayo subixii uu rabana uu damiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Odowaa oo ka tirsan xildhibaanada mucaaradka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya uu kulan deg-deg ah isugu yeeray xildhibaanada golahaasi, kaas oo yimid kadib khudbadii uu dhowaan u jeediyey shacabka Soomaaliyeed madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.