Farmaajo oo u muuqda inuu ku adkeysanayo qodobadii burburiyey shirarkii hore

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu dambeyn u hoggaansamay cadaadiska ka dhashay dagaalka ka dhanka ahaa muddo kordhinta ee ka dhacay Muqdisho, isaga oo sheegay inuu ka laabanayo muddo kordhinta, diyaarna u yahay heshiiskii September 17.

Farmaajo ayaa go’aankaas qaatay kadib markii ay garabkiisa ka baxeen maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle iyada oo uu raacay ra’isul wasaare Rooble. Waxaa kale uu uu wajahay cabsida ah cunaqabateyn ay ugu hanjabeen Mareykanka.

Farmaajo ayaa markii uu hadlay habeen hore waxaa uu sheegay inuu Sabtida hortagi doonno golaha shacablka, waana tallaabo kale uu golahaasi gacanta ugu jira uu uga ka dhaadhicin doono iney laalaan muddo kordhin uu 12-kii bishan april ku qasbay.

Farmaajo ayaa ku celiyey in September 17 lagu noqdo shuruud la’aan. Hase yeeshee waxaa xusid mudan in aaney wax dhibaato ah ka jirin heshiiska September 17, ee waxa la isku heystay ay aheyd maamul goboleedyada oo lahaa hala furo heshiiskaas iyo Farmaajo oo ku adkeysaney in sidiisa lagu qaato, sababtoo ah kadib heshiiskaas ayaa waxaa isbeddelay arrimo badan

Shirkii Dhuusamareeb 4 ee Febraayo, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay hor dhigeen ilaa 3 qodob oo kala ahaa:

1- Arrinta Somaliland iyo cidda maamuleysa xildhibaanada gobollada waqooyi.

2- Guddiga doorashada lagu muran sanyahay, oo lagu soo daray xubno ka tirsan dowladda iyo shaqaale sirdoon, sida ay sheegeen Jubaland iyo Puntland.

3- Arrinta Gedo, oo Farmaajo uu geeyey ciidamo badan, oo Jubaland ay dalbaneyso in laga saro.

Shirkii April horraanteeda ka dhacay Teendhada Afrisyoone, waxaa ay maamul goboleedyada ku dareen shuruudo cusub oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1- In Farmaajo saxiixo warqad uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisu idlaaday, maadaama heshiiskii September 17 kadib uu waqtigu ka dhacay.

2 – Inuu wareejiyo maamulka amniga doorashada una gacan geliyo ra’iisul wasaare Rooble

3- Xil ka qaadista taiyeyaashii qaska wada ee ku lugta yeeshay weerarkii 19-ka Febraayo.

4- In shirka laga soo qeyb geliyo musharaxiinta mucaaradka, maadama hadda Farmaajo uu ayaga la mid yahay oo uu waqtigu ka dhacay.

Haddaba shirka la filayo inuu dhaco bisha May oo ay ka horreeyeen dagaallo ka dhacay Muqdisho, askar gadootay, qorshaha dhexd-hexaadinta Midowga Afrika iyo arrimaha cusub ayaa horseedi kara shuruudo kale oo cusub.

Sidaas darteed sidee doorasho loogu galaa heshiisak 17-ka September ee Farmaajo uu hadda ku dhegan yahay. Haddii uusan Farmaajo ogolaan in wax walba laga wada-hadlo uuna diido inuu aqbalo shuruudaha, waxay tani keeni karta burbur cusub oo ku yimaada wada-hadallada la qorsheynayo, xaaladdana kusoo celiso meesheeda.