Maxaa kasoo baxay shirkii Rooble, Guudlaawe, QOOR QOOR iyo murashaxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan saacado qaatay oo xalay magaalada Muqdisho ku dhex maray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Midowga Murashaxiinta oo ay wehliyeen xildhibaano ayaa lagu lafa guray xaalada dalka iyo isbadalada siyaasadeed ee dhacay 24-kii saac lasoo dhaafay.

Kulanka oo ahaa mid ku yimid dalabka Ra’iisul wasaare Rooble, kana dhacay guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweyne Qoor Qoor ,ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ugu horeeyaan dhacdooyinkii iyo qalalaasihii habeenadii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Waxay madaxdu isla garteen dhowr qodob uu saldhig u noqon doona in amniga magaalada Muqdisho laga shaqeeyo iyo sidii dib loogu noqon lahaa doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September.

Waxaa qodobadii la isla gartay ee lagu heshiiyay baahiyay wasiir kuxigeenka xukuumadda xil gaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo shirka ka qeyb galay, isagoo sheegay in shirka uu guul kusoo dhamaaday, lagana wada shaqeynayo sidii xal loogu heli lahaa in mar kale magaalada ka dhicin iska horimaadyo kale, in laga shaqeeyo xasiloonida caasimada iyo sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen dadkii ka barakacay magaalada.

Wasiir Al-Caddaala ayaa intaa raaciyay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan sidii dib loogu noqon lahaa doorasho ku saleysan heshiiskii 17-kii Septembar la gaaray si loo qabto doorasho la isla ogal yahay.

Madaxdii ka qeybgashay kulankaasi ee midowga murashaxiinta oo ugu horeeyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdulqaadir Cosoble, Mustaf Dhuxuloow, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo xildhibaanada mucaaradka ayaa si wada jir ah usoo dhoweeyay iyagoona si dadban u sheegay in fulinta qodobadaasi madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday aan lagu aamini karin.