Mareykanka oo farriin culus u diray FARMAAJO, Golaha Shacabka iyo ciidmaada

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka inay deg deg u baabi’iyaan sharcigii muddo kororsiga ee la meel-mariyey 12-kii bishan April.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay qireysaa ballan-qaadka uu madaxweyne Farmaajo sameeyey 28-kii April ee ah inuu dib ugu laabanayo heshiiska 17-ka September uuna deg deg u billaabayo wada-hadallada hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo baarlamanka inay deg deg uga howl-galaa baabi’inta sharciga muddo kororsiga ee 12-ka April.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu ammaanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo hoggaamiyayaasha HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay diideen muddo kororsiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg u kulmaan si ay u dhameystiraan hanaan doorasho oo heshiis ku dhisan, una qabtaan doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo saldhig looga dhigayo heshiiska 17-ka September. 

“Dhammaan hoggaamiyayaasha waa inay meel iska dhigaan damacooda siyaasadeed iyo khilaafyad, danta shacabka darteed-na ay wada-xaajood ku galaan niyad wanaagsan ayada oo aan lagu xirin shuruudo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa ciidamada amniga Soomaaliya iyo kooxaha hubeysan inay dhinac u leexdaan ayna ogolaadaan in wada-hadallada siyaasadeed ay ku bilowdaan jawi ka madax-banaan rabshado iyo cabsi gelin. Sii socoshada dagaallada waxay kaliya oo ay sii xumeeneysa xaaladaha shacabka Soomaaliyeed.”