Xog: Farmaajo iyo ROOBLE, Cali Guudlaawe iyo QOOR QOOR oo sii kala fogaanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inay aragti ahaan sii kala fogaanayaan madaxweyne Farmaajo, iyo xubnihii xulufada la ahaa ee kala ah; Ra’iisul Wasaare Rooble, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Rooble, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay si cad uga hor-yimaadeen in xiisadda Muqdisho mar dambe lagu dayo awood ciidan, ayna ka go’an tahay inay si kasta uga hortagaan.

Saddexda mas’uul, oo war-saxaafadeed ay soo saareen Talaadadii ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, ayaa la sheegay inuu ahaa go’aan mideysan oo baajiyey weerar ay qorsheeyeen madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyayaashiisa oo ku aadanaa in ciidamada ku sugan Muqdisho ee diidan muddo kororsiga lagu soo afjaro dagaal.

Sidoo kale, xog aan ka helnay kulankii ay xalay saddexda mas’uul la yeesheen musharaxiinta mucaaradka, ayaa sheegeysa in la isku raacay in loo midoobo inaan la aqbalin dagaal dambe oo ka dhaca Muqdisho iyo weerar ay ciidamada dowladda qaadaan.

Go’aanka ayaa dhabar-jab weyn ku ah madaxweyne Farmaajo, aadna u wiiqaya awooddiida, sababtoo ah magaalada oo qeybo badan oo ka mid ah ay haystaan ciidamo kasoo horjeeda, ayada oo mowqifka Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe uu ciidamada kale ee Hawiyaha ah ee ku jira dowladda kusii dhiiri-gelinayo inaysan dagaal ka qeyb-qaadaan, taasi oo qaar badan oo ka mid ah ay horey u diideen.

Ka hor, go’aankii Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe, Farmaajo ayaa la sheegay in uu faray saraakiisha ciidanka Milateriga Soomaaliya iyo kuwa booliska inay soo afjaraan ciidanka diidan muddo korarsiga ee ku sugan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya. 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in la soo afjaro ciidanka diidan muddo korarsiga ee ku sugan aagga u dhaw Madaxtooyada gaar ahaan, Dabka, Siigaale, Barmuudo, Taleex iyo xaafado kale oo ka tirsan Howlwadaag. 

Xaafado ka mid ah Howl-wadaag, sida Shanta-Geed, Cago Dhiig iyo agagaarka sayidka ayaa Subaxii Talaadada lagu soo daadiyey ciidan badan oo ka mid ah kuwa dowladda, waxaana xigay hanjabaad uu kadib jeediyey wasiirka amniga Xasan Xundubey, oo sheegay in ciidamada musharaxiinta ay soo dhex-geli karaan Al-Qacida iyo Daacish. Hadalkaas ayaa la rumeysan yahay inuu horudhac u ahaa qorshaha weerar ee dowladda.

Si kastaba, Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa kadib soo saaray qoraallo mideysan, taasi oo fashilisay qorshihii weerarka.

Dhinaca kale, Rooble ayaa lagu warramayaa inuu ka fakarayo inuu la wareego hoggaanka wada-hadallada doorashada, uuna iclaamiyo shir. Arrintan ayaa waxaa taageersan beesha caalamka, waxaana ku cadaadinaya inuu sameeyo inta badan musharaxiinta mucaaradka iyo Qoor Qoor iyo Guudlaawe.