Sixitaan: Fanaanadda Luul Jeylaani Cali ma geeriyoon

Minneapolis (Caasimada Online) – War aan goor sii horeysay baahinay oo ku saabsanaa inay geeriyootay fanaanadda caanka ah ee Luul Jaylaani ayaa waxaa beeniyey qaar kamid ah ehelada fanaanadda oo ku nool dalka Mareykanka.

Warkan oo soo shaac baxay goor dhoweyd ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka iyo warbaahinta Soomaalida, ayaa waxaa laga soo xigtay fanaanadda Sahra Cumar Dhuule, balse waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamaday ehellada fanaanaddaasi oo ka mid ah fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed.

Caasimada Online waxay raalli-gelin buuxda ka siineysa aqristayaasha iyo fanaanaddaba qoraalka ay horey u daabacday ee geerida la sheegay inay ku timid fanaanadan oo caan ku ah fanka Banaadiriga.

Luul Jaylaani oo ka tirsaneyd hobolladii Qaranka ee Waabari ayaa sanadihii dambe ku nooleyd dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Mareykanka.

Fanaanadda ayaa sidoo kale qeyb ka aheyd ruwaayado caan baxay oo la sameeyey bariisamaadkii, isla-markaana ka hadlayey wadaniyada iyo sidoo kale jaceylka.