Daawo: Shariif oo ka hadlay dagaalladii Muqdisho kadib markii uu dalka kusoo laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka oo maanta dib ugu soo laabtay dalka, ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ka socday magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan dhacay, kuwaasi oo looga soo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxa uu soo dhaweeyay go’aankii ay maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed uga soo horjeesteen muddo kororsiga Farmaajo, ee uu taageeray ra’iisal wasare Rooble, taasi oo ku tilmaamay mid waqtigiisa yimid.

“Waa in aan maskaxda ku hayno marwalba inaysan suurta-gal aheyn in xaaladu ay sidan sii ahaato, waa xaalad qatar ah oo aan sii fiirsan karin, loona baahan yahay in si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo. Waxaa rajeynayna in baarlamaanka fahmeen wixii laga digaayey inay sax ahaayeen, markaa waxaa leenahay mas’uuliyadiina qaata,” ayuu yiri.

“Sida ugu dhaqsaha badan waa in laga wada-shaqeeyo sidii doorasho loo aadi lahaa, ayada oo culeyska laga qaadayo magaalada oo laga wada-shaqeeyo. Soomaaliya maanta dagaal uma baahna ee waxay u baahan tahay dowladnimo la wada leeyahay”

Sidoo kale waxa uu si gaar ah uga mahad-celiyay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta doorka uu ka qaatay dejinta xiisada mucaaridka iyo madaxda waqtigoodu dhamaaday, isagoona beesha caalamka ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jirto sidii dalka uu doorasho u aadi lahaa iyo taageerada ay u muujisay go’aamadii u dambeyay ee muddo kororsiga lagu diiday.

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo horseedi kara qalaalase iyo amni darro, islamarkaana ay dalka ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay oo heshiis lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.