UK oo farrin culus u dirtay Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aanadii u dambeeyay ee madaxda Soomaalida iskugu raacday in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September, ayada oo meesha laga saarayo muddo kororsigii uu meel mariyey Golaha Shacabka.

UK ayaa sheegtay “in dib loogu laabto wada-hadal ay meesha ka saareyso qalaalase iyo xaalad abuur amni,” waxayna walaac xoogan ka muujisay in dhinacyada is-haya ay ku guul-dareystaan in si dhaqso leh ugu dhaqaaqi waayan doorasho.

Qoraalka kasoo baxay dowladda UK ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyey go’aankii ay ra’iisal wasaare Rooble go’aankii iyo maamullada taabacsanaa Farmaajo uga horyimaadeen muddo kororsiga uu sameystay.

“Nabadgelyada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya darteed, waxaa muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashooyin ku dhisan is-afgarad. Boqortooyada (UK) waxay xuseysaa go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ah “inuu dib ugula laabto wada-hadalka madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DF, isagoo cuskanaya heshiiskoodii 17-kii September, kaas oo ah wadada kaliya ee ay ansixiyeen DF iyo dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah DF.” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan hadda ugu yeereynaa Madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DF inay si deg-deg ah u wada-hadlaan, weliba wada-hadal shuruud la’aan. Waa inay yimaaddaan iyagoo diyaarsan si ay u sameeyaan tanaasul lagama maarmaan ah oo ay si daacadnimo leh uga gorgortamaan.

Sidoo kale waxaa qoraalka Boqortooyadda UK baaq adag loogu diray ciidamada Soomaaliyeed, si ay uga waantooban ka qeyb noqoshada rabshado horseedaya amaan darro, islamarkaana ay xooga saaran dadaalkooda ku aadan la dagaalanka argagixisada.

“Waxaan si aad ah uga walaacsanahay in ku guul-darraysiga in dhaqso loogu dhaqaaqo doorashooyinka ay horseedi karto amni darro weyn, gaar ahaan Muqdisho iyo meelo kale, ayna la timaado cawaaqib xumo bani’aadamnimo. Rabshadaha ka socda Muqdisho ayaa horay u barakiciyay tobanaan kun. Abaartu waxay sii kordhineysaa qatarta nolosha dadka rayidka ah iyo nolosha.”

“Waxaa lama huraan ah in ciidamada amniga ay xooga saaraan dadaalkooda ku aadan la dagaalanka cadowga guud ee Al Shabaab, si loo hubiyo inaysan ka faa’iideysan mudadan hubanti la’aanta siyaasadeed. Waxaana ugu baaqeynaa ciidamada amaanka caasimada inay ka waantoobaan rabshadaha isla markaana ay ilaaliyaan xasiloonida,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay UK.