Sheekh Shariif oo maalmo, kadib kusoo laabtay dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladii ku meel gaarka aheyd , haatana ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta mucaaradka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo ka yimid dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan labada gole, qaar ka mid ah musharraxiinta, xubno ka mid ah xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Intaasu kadib Sheekh Shariif ayaa waxaa loo galbiyey hoyga uu ka dagan dhinaca Mirinaayo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula hadli doono warbaahinta.

Shariifka ayaa la filayaa inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qalalaasihii dhowaan ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho iyo doorashooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray inuu kulamo la leeyahay siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo ka wada-hadli doono khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Si kastaba socdaalka madaxweynihii hore ee dalka ayaa kusoo aadaya, iyada oo mucaaradka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho, waxaana haatan socda kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladaha gaarka ah ee soo kordhay.