PUNTLAND oo shuruud ku xirtay wada-hadallada uu xalay ku baaqay Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa shaaciyey in maamulkooda uusan ka qeyb-gali doonin shirka uu xalay carabaabey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, oo ka hadlay xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Timacadde oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka qeyb-galka shirkaas ku xirayo martiqaad uga imaada Beesha Caalamka, isaga oo ka hor-imaaday tallaabada uu Farmaajo ku hortagayo Golaha Shacabka.

“Baarlamaanka iyaga ayaaba sharci aheyn oo waqtigooda dhamaaday muddona ma kordhin karaan, iyana ma kordhisan karaan micnana masoo kordhineyso hadii uu Madaxweynaha hortago,” ayuu yiri Wasiir warfaafinta Puntland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay ka qeyb-galka shirkasta oo looga arrinsanayo arrimaha Soomaaliya, balse aysan ku kalsoonaan kareyn madaxda waqtigooda dhamaaday oo ay u baahan yihiin damaanada Beesha Caalamka.

Hadalka Puntland ayaa imanaaya xili uu xalay Farmaajo ku baaqay wada-hadalo looga arrinsayo doorashada oo marnaba shuruud lagu xireyn, kadib markii uu ku fashilmay isku-deygii muddo kororsi oo ay ka hor-imaadeen maamuladii taabacsanaa, mucaaridka iyo beesha caalamka.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa gashay jawi cusub oo ka duwan midka maalmihii lasoo dhaafay oo ay xiisad colaadeed ka taagneyd magaalada Muqdisho, hase yeeshe ilaa hadda si dhab ah uma muuqato in dhinacyada isku haya ay heshiis kama dambeys ah ka gaaran doorashada.