Guddoonka golaha shacabka oo war kasoo saaray warka la xiriira xil ka-qaadista Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyey warar soo baxay goor hore oo sheegayey in xilka laga qaadayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. 

“Waxaa shacabka Soomaliyeed la wadaagayaa inay been abuur ay tahay wararka lagu daabacay baraha bulshada oo ah in maalinta Sabtida xil ka qaadis lagu sameynayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qorala uu soo saaray xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Buux.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan umadda Soomaliyeed uga digayna in ay ka fogaadan wararkaas been abuurka ah, u jeedada kulanka uu yahay in maalinta Sabtiga 1-da May uu madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono mudanayaasha golaha shacabka.”

Qorshaha la xiriira xil ka qaadista ayaa la rumeysan yahay inay wadeen xildhibaano diidan in laga laabto muddo kororsiga oo xulufo la ah madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal, waxaana qorshahaas ka digay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada inaysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.