Cabdi Qeybdiid oo u digay guddoonka BF, xilli uu socdo qorshe ka dhan ah Rooble

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey Soomaaliya iyo go’aanadii kasoo baxay madaxweynayaasha HirShabeelle, Galmudug iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay isla markaasna aan la aqbali doonin muddo kordhin.

Senator Qeydiid ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay go’aanadii ay muddo kororsiga ku diideen madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo markii hore si weyn u taageersanaa qorsha madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxa uu ka digay in baarlamaanka uu qaado tallaabo dalka u horseedaysa qalaalase hor leh, xili ay soo baxayaan in kulanka golaha ee maalinta Sabtida qabsoomaya la keenayo mooshin xilka looga tuuray ra’iisal wasaare Rooble.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada inaysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen,” ayuu yiri.

Inkastoo uusan Cabdi Qeybdiid si rasmi ah u sheegin waxa uu ka digayo inay tahay xil ka qaadista la hadal hayo in Baarlamaanka uu ku sameynayo Ra’isul wasaare Rooble Maalinta Sabtida ah, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeedka hadalkiisa uu yahay in Baarlamaanka uusan isku dayin inay xilka ka qaadan Ra’isulwasaare Rooble.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan qaaday tallaabo  uu muddo kordhin ugu sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday taasoo ay ka dhalatay inay Magaalada Muqdisho marti geliso dagaalo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Wuxuu ka digay in Baarlamaanka Soomaaliya uu qaato go’aan aan laga fiirsan, wuxuuna  tilmaamay in wixii ka dhashay ay qaadi doonaan Mas’uuliyadeeda madaxda ka dambeyso qorshaha uu wado Baarlamaanka.

Cabdiqeybdiid ayaa ugu dambeyn sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada Dowladda, wuxuuna ka digay in dalka mar kale loo horseedo dagaal iyo barakac.

Cabdi Qeybdiid ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay Ra’isul Wasaare Rooble oo ay isku heyb yihiin, sidoo kalana wuxuu kamid yahay shakhsiyaadkii ka shaqeeyey in Rooble uu ka hor yimaado muddo kordhinta, islamarkaasna uu dalka u horseedo doorasho xor iyo xalaal ah.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ku dhow guddoonka baarlamaanka, kulankaas oo uu dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, ayaa waxaa loo qorsheynayaa in xilka looga qaado Ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo loo cuskanayo eedeyn la xiriirta “inuu ku fashilmay qabashada doorashadii uu meel-mariyey baarlamaanka”.

Xogtan ayaa sidoo kale waxaa laga soo xiganaya qaar kamid ah xildhibaanada oo ayagu isla wadaagaya qorshaha uu guddoonka horkeeni doono xildhibaanada, si mowjad cusub uu dalka u galo.

Baarlamaanka ayaa Rooble ku eedeyn doona in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre, kaasi oo uu khilaaf la xiriira muddo kororsiga soo kala dhex-galay Farmaajo.