Madaxweyne Biixi oo ka hadlay dagaalladii Muqdisho, farriina u diray shacabka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay shaqaaqooyinkii maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga soo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland ka damqaneyso dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay si weyn isku hayaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha diiddan madax-banaanida ay ku doodaan.

“Dawladda Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hogaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa,” ayuu yiri.

“Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen shacabka Soomaaliyeed, ay u dulqaadaneysay Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba, sida uu hadalka u dhigay.

“Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey.”

“Waxaan idiin sheegayaa shacab ahaan inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu ugu dambeyntiina yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo ciidanka reer Muqdisho ku hambalyeeyay kacdoonka ay kaga soo horjeedeen muddo korodhsiga dowlada madaxweyne Farmaajo.

Waraabe ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo in lasoo afjaro muddo kordhintii madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sheegay inuu arrintaas ugu hambalyaynayo saraakiisha iyo ciidanka Muqdisho ee ka hor yimid damaca Farmaajo.

“Waxaanu leenahay Muqdisho ma toostay heeryadiina ma tuurtay, Farmajana ma tuurtay baanu leenahay”

Guddoomiye Faysal, ayaa kamid ahaa dadka aadka uga soo horjeeday dowlada madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.