Hanti-dhowrka iyo ergeyga gaarka ah oo kulan muhiim ah la yeeshay B/Adduunka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali iyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha, Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa maanta kulan la yeeshay Isu-duweyaasha Mashaariicda muhiimka ah ee Bangiga Adduunku uu maal-galiyo.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay arrimaha gurmadka abaaraha iyo xoojintooda, ayada oo warbixinno qotodheer looga dhageystay Isu-duweyaasha qaar kamid ah mashaariicda muhiimka ah ee qaybta ka noqon doona dadaalada looga jawaabayo abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka.

Kulanka maanta ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu daah-furay lacag dhan 25 Milyan oo dollar oo loogu tala-galay Taakulaynta Abaaraha.

Mashruucaan ayaa waxaa maal-gelinaaya Bangiga Adduunka, kaasi oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya, waxaana maamuli doona dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalada adag oo abaareed, ayada oo uu Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha uu dadaal badan ku bixinayo sidii taakulo iyo gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa.