Ciidamada DF oo howlgal culus xalay ka sameeyey MUQDISHO + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ku qaybta booliska gobolka Banaadir iyo taliyaha Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka guud ee degmada Hodan oo ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca.

Taliyeyaasha horkacayey baaritaanadaasi ayaa wariyeyaasha u sheegay in gacanta lagu soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan falal amni darro ah, kuwaas oo lagu hayo baaris dheeri ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in ay soo qabteen waxyaabo maanka-dooriya, sida Xashiish iyo Calaq, oo ay tilmaameen ina qayb ka yihiin amni darrada.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, inta laga xaqiijinayo amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa xaaalado amni darro, sida dhac, dilal qorsheysan iyo dhibaato ay geysanayaan kooxo ciyaal weero ah.