Hargeisa: Internetka oo la diiday

HARGEISA (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno Shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba laga Mamnuucay inay wakhtiga shaqada isticmaalaan Internet-ka.

Qof kasta oo ka mid ah hawl-wadeenada Wasaaradda ayaa  la siiyey digniin adag oo ku aadan isticmaalka Internet-ka xilliyada shaqada, kadib go’aan kasoo baxay Wasaarada Maaliyada Maamulka Somaliland

Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa qoraal digniin ah oo uu ku dhajiyey dibadda xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda shaqaalaha ku wargaliyey in aanay wakhtiga shaqada isticmaali Karin Internet-ka,

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay tahay hal-bowlaha Wasaaradaha Somaliland internet-kuna uu carqalad ku noqonayo habsami u socodka hawl-maalmeedka Wasaaradda.

Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu sheegay in Tilaabo adag ay wasaaradu ka qaadi doonto Cidii alagu arko iyadoo xilliyada Shaqada adeegsaneysa Internet-ka Wasaarada.

Amarkan ayaa yimid kadib markii isticmaalka bogga xiriirka bulshada ee Facebook ay inta badan shaqaalaha wasaaraddaha Somaliland si aad ah u isticmaalaan wakhtiyada ay xafiisyada ku sugan yihiin.

Waxaan Wasaaraha kale ee Maamulkaas ay bilaabeen iyagoo arintan ka duulaya kuna dayanaya inay sameeyaan arintaas oo kale , balse maamulkaas ayaa u arkay inay dib u dhac dhanka shaqada ah ay arintani keeeni karto iyo waliba in xogo sir ah Wasaaradaha  Somaliland laga helo .

 Caasimada online

Xafiiska Hargeisa

Caasimada@live.com