KASHIFAAD: Axmed Madoobe oo lagu dacweeyay dowladda Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in Axmed Maxamed Islaam oo ah hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba lagu dacweeyay dowladda Ethiopia gaar ahaan wasiirka arrimaha dibedda.

Siyaasiga Maxamed Cumar Geedii oo ka mid ah xubnaha ka qaybgalay heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho in Axmed Madoobe lagu dacweeyay guddoomiyaha wasiiradda arrimaha dibedda Ethiopia.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia loo sheegay Axmed Madoobe in uu diidday ka qaybgalay shirka wada-tashiga ee ka dhacay Muqdisho 21-ka bishan October.

Waxaa kaloo uu sheegay in dowladda Ethiopia iyo wasiirkeeda loo sheegay in Axmed Madoobe uu jabiyay heshiiskii Addis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna madax u ahaa wakiilo loo xilsaaray in ay la socdaan dhaqan galida heshiiska.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka dowladda ay ku qabaneyso 21-bisha October, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com