XOG: Dadkii ku dhintay XEEBAHA Italy Soomaali kuma jiraan

Roma (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in wax Soomaali ah aysan ku jirin dadkii la socday dooni ku degtay xeebaha Talyaaniga toddobaadkii hore.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Roma oo warbaahinta kula hadashay Jaziirada Lampdusa ayaa sheegtay in la ogaaday wax Soomaali ah in aysan la socon doonta degtay toddobaadkii hore oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya ilaa 300 oo qof.

Ilaa-lada xeebaha Talyaaniga iyo qaar ka mid ah dadka ka badbaaday dadkii la socday doonta degay oo u dhashay dalka Eretria oo la hadlay warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in doonta degtay ee gubatay ay la socdeen Eritrean oo kaliya.

Si kastaba, dad badan oo la wareestay iyo meydadka dadka la soo badbaadiyay oo la arkay waxa ay dhammaan muujinayaan in dadka la socday doonta aysan ku jirin Soomaali.

Doonta oo ay la socdeen in ka badan 500 oo qof ayaa ku degtay xeebaha Talyaaniga toddobaadkii hore, waxaana la soo badbaadiyay 150 qof oo kaliya.

Si kastaba, Soomaalida waxa ay ka mid tahay dadka ku dhinta mar kasta xeebaha Talyaaniga.

Jasiirada Lampdusa waxaa maanta tagay madax ka socota Midowga Yurub oo uu ku jiro madaxweynaha Midowga Yurub, waxaana ay soo arkeen meydadka dadkii la socday doonta ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com