Maamulka Jubba oo jawaab ka bixiyey hadalkii Aw-Libaax iyo khilaaf jira

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah raggii soo dhisay maamulka Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in shirka labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka in aan lagu qaban karin magaalada Kismaayo.

Hilowle Aaan Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadalkaas laga fiicnaa in uu yiraahdo qof soo dhigay maamulka Jubbooyinka.

“Sheekh Maxamed Maxamuud Aw-Libaax waa nin oday ah oo muhiim ah isla markaana saciim ah, haddii ay jiraan wax uu saluugsan yahay waa in laga qaniciyo, isaga kaligiis ma ahan dad badan ayaa jira oo saluugsan maamulkan” ayuu yiri Hilowle Aadan.

Wuxuu ku celceliyay in Kismaayo ay diyaar u tahay qabashada shirka labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

“Sida lagu heshiiyay waa in wajiga labaad ee shirka lagu qabto magaalada Kismaayo, annaga waxaan tagnay Muqdisho oo ay gogol nabadeed ay dhigtay dowladda Soomaaliya, waxa hadda haray waa shirka ka dhacay Kismaayo” ayuu yiri markale sarkaalkan.

Si kastaba, Sheekh Maxamed Maxamuud Aw-Libaax oo shaley shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka Kismaayo aan la isku haleen Karin waxaana uu ku baaqay in shirka wajiga labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka lagu qabto Gedo oo ammaan ah ayuu yiri.

Axmed Madoobe wuxuu dhowr cisho ka hor shaaciyay in aysan ka qaybgali doonin shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho 21-ka bishan.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama jawaabin hadalka Axmed Madoobe, maadama labada dhinac ay bishii hore heshiis ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com