DHAGEYSO: Axmed Madoobe iyo Beel uu horey ula heshiiyey oo kala furtay

Muqdisho (Caasimada Online)  Xubnaha Beesha Sheekhaal oo ka mid ah Beelaha Dega gobolada Jubbooyinka, horeyna ula heshiiyey Hogaamiyaha Maamulka Jubba , ee Axmed Maxamed Islaam Axmedd Madoobe, ayaa Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho waxa ku dhaliileen Siyasada Maamulkaas.

Gudoomiyaha Siyaasadda Beesha Sheekhaal Salaad Cilmi Axmed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ujeedka kulankooda uu yahay ka hortaga qaladaadka Hogaamiyaasha Maamulka Jubba ee Madaxda ka ah deegaanada jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in iminka ay muuqaneyso in Si cad ay Maamulka Jubba u jabinayaan qodobadii lagu soo heshiiyay , isla-markaana maamulkaasi uusan ka shaqeyneyn Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

“In midnimada Umada laga shaqeeyo waa muhiimada Koowaad, Sidaasi darteed waa in la raacaa Qodobadiilagu soo heshiiyay , taas ayaa dan noo ah, Waxaan arkeynaa inuu Baaqday Shirkii 5-ta Bishan lagu waday inuu Muqdisho ka furmo Sababo jira Darteed dib loogu dhigay ila 21-ka Bishan, waxaana Muuqanaya Khilaaf Maamulka Jubba uu wado” Ayuu Yiri Salaad Cilmi Axmed

Salaad Cilmi, ayaa sheegay in aysan waxba u arkin wararkii Maal mahan maamulka Jubba kasoo baxayay ee ka dhanka aha Shirka Muqdisho Balse Axmed Madoobe, marnaba aysan ka filaneyn inuu hadalka ku aadan inuusan ka qeyb galen shirkaas uu ku dhawaaqayo.

“Maslaxad Uguma Jirto in Dadka Somaliyed ay Heshiin waayaan , waana in la fahma Cidda wado Khilaafka , waana in la aqbalaa waxa ay dowladu ku dhawaaqday , waxaana lSaaxiibadeen reer Jubba ugu baaqaynaa inay Yimaadaan oo ay ka qeyb galaan Shirka Muqdisho ” Ayuu yiri  Salaad Cilmi.

Wuxuu sheegay in qofkii Kismaayo aadaa isagoo ka qeyb galaya kulan halkaasi laga qaban qaabinayo uu lammid yahay sida uu sheegay qof dhabar jabinaya dowlada Soomaaliya shacabkana aan dantiisa wadin  sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu si cad u sheegay inay ka hor imaanayaan cid waliba oo kasoo horjeesatay dowlada Soomaaliya iyo Nabadda ay dooneyso iminka ee ku wajahan Deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo .

Ugu dabeyn wuxuu sheegay in Beesha Sheekhaal aysan jirin cid matasha oo ka qeyb gali karta Shirka Kismaayo qaban qaabadiisa ay ka socoto, waxaana uu tilmaamay in cidii ka qeyb gasha aysan matalin Beesha Sheekhaal.

Maamulka Axmed Madoobe ee Jubba ayaa si cad u sheegay inaysan ka qeyb galeyn Shirka 21-ka Bishan lagu wado in Muqdisho uu ka Furmo , kaas oo loga hadlayo aayaha Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Siyaasadda Beesha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com