Hargeysa: Aabe isku daldalay duruuf adag oo soo wajahday

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa golihiisa iyo warbaahinta la wadaagay dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xaafada Jigjiga yar uu isku deldelay Aabe ay soo wajahday duruufo adag oo nololeed, islamarkaana iska bixin kari waayay kirada iyo nolosha gurigiisa.

“Nin ayaa isku del-delay Jig-jiga yar oo xadhig isku xidhay, waan baadhay oo dadkii baan waraystay bal sababta ka danbaysa inuu is dilo, dadkii xaafaddu waxa ay ii sheegeen in uu ahaa Aabe haysta caruur badan wakhtiguna ku adkaaday,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Dirir.

Aabaha isku deldelay Jigjiga yar ayaa muddo bilaa shaqo ahaa, isaga oo ugu dambeyntiina xamili kari waayay nolosha adag ee lasoo daristay.

“Waxay ii sheegeen inuu bixin kari waayay lacagtii kirada guriga oo loo qabsaday iyo masaariiftii ciyaalka oo uu noqday qof bilaa camal ah sidaasina uu isku dilay noloshan uu is dhaafiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Axmed Dirir.

“Arrintaas ayaa kugu filan xaalada dhaqaale halka ay mareyso in dadkii muwaadiniinta ahaa marka ay kirada iska bixin kari waayan ee caruurtoodii biilin kari waayan inay is del-delaan.”

Sicir-bararka iyo xaalada kale ee nololeed ka jira Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayay muddooyinkii dambe, ayada oo xukuumaddii wax ka qaban laheyd ay ku mashquushay xifaaltanka siyaasadda iyo muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi.