Sidee ciladda WhatsApp u saameysay Soomaalida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacado uu hawada ka maqnaa kadib dib usoo laabta App-ka WhatsApp oo cilad ay ku timid, sida ay shaacisay shirkadda leh ee Meta.

Arrintan ayaa saameyn weyn ku ku yeelatay guud ahaan dadka isticmaala ee ku dhaqan waddamada caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Aaladda WhatsApp ayaa ka mid ah baraha caanka ka ah adduunka, waxaana isticmaala ku dhowaad 2 bilyan oo qof guud ahaan caalamka.

Haddaba sidee ciladdan u saameysay dadka Soomaaliyeed ee isticmaala WhatsApp?

Dad badan oo Soomaaliyeed oo isticmaala aaladan ayaa Facebook ku baahiyey cabasho ku aadan in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri karin, kadib ciladda maanta ku timid.

Fardowsa Xasan oo ka mid ah dadka ka hadlay arrintaan ayaa sheegtay inay saameyn ku yeelatay ciladda ku timid WhatsApp, islamarkaana ay arki weysay fariimihii loo soo diray.

“Saaka dhan aan telka marna daminaayey marna daaraayey saa u arko fariimaha Whatsapp ee la’ii soo diray,” ayey tiri Farwowsa Xasan.

Dhankiisa  Jibriil Cabdullahi Shambow ayaa isna yiri “WhatsApp ka waabe la xeray Facebook halagu darro,” .

Wariye Farxiyo Maxamuud oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa iyaduna soo jeedisay in baraha bulshada oo dhan la xiro, si ay dadka uga nastaan.

“Social media dhan mala xiroo halaga nastee,” ayey si kaftan leh u tiri Wariye Farxiyo Maxamuud Yuusuf.