Hargeysa oo laga hadal hayo dhacdo yaab, xanuun iyo qosol badan

Hargeysa (Caasimada Online) – Arrin lala yaabo ma ahan in gudaha Soomaaliya lagu arko Hooyo ilmaheeda tuurto, laakiin waxaa la yaab noqotay dhacdo laga naxo oo ka dhacday xaafada Goljano ee magaalada Hargeysa, kadib markii Hooyo gabar bil wax ka yar jirta soo dhigtay habeen hore meel jardiin ah oo cidlo, iyadoo ay kusoo riday bacmadoow, masaasad yarna ay soo raacsiisay, taasoo ku dhacday arin dad badan ay la fajaceen.

Hase ahaatee arinta yaabka dhalisay ayaa aheyd markii Hooyada ay kusoo hilmaamtay bacdii madooweed Taleefankeedii Mobile-ka, waxayna arrinta noqotay mid kashifantay iyadoo daqiiqado kadibna ay goobta yimaadeen Labo hablood oo doonayay in gabadhii yareyd ee meesha lasoo dhigay iyo Mobile-kii.

Labadaasi dumar ayaa ku doodayay in ay ilmaha yar waalid y yihiin isla markaana qof careysan uu goobta soo dhigay, waxayna arinta noqotay in la isla tago saldhiga Booliska, oo dood dheer kadib lagu wareejiyay labadii hablood ee soo doonay cunuga.

Dadka gacanta ku dhigay Gabarta yar ee lasoo tuuray ayaa sheegay in hooyadii soo tuurtay wiilkeeda in ay kusoo noqoto aysan nasteexo aheyn balse Mobile-ka lagu hilmaamay uu fashiliyay.

Dhacdadan ayaa dadkii maqlay iyo kuwii arkayba ay ka murugoodeen, halka gabadhaasi yar ay ku danbeynt doonto mustaqbalkeeda.

Isha: Warfaafiye.com