Hargeysa: Carwo gaar u ah dumarka

Hargeysa (Caasimada Online) Magaalada Hargeisa, waxaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah looga furay carwo ganacsi oo loo bixiyay Carwada Ganacsi ee Hal-abuurka Dumarka.

Daah-furka carwadan oo lagu qatay Hotelka Maan-Suur ayaa waxaa ka soo qayb galay 50 haween ah oo ganacsiyo kala duwan ku leh Hargeysa.

Wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa, oo ka qaybgalay xafladda lagu daahfuryay ayaa sheegay in carwadan ay socon doonto dhowr cisho laguna soo bandhigo doono wax yaabo fara badan.

Dumarka ka soo qaybgalay bandhigga carwada waxaa ka mid ah dumar leh meherado lagu iibiyo qalabka guryaha, dharka haweenka iyo carruurta iyo meheradaha lagu qurxiyo haweenka.

Waxaa kaloo ka mid ah ganacsiga haweenku ku soo bandhigeen carwadan; khudaarta laga beero dalka oo badi haween ka ganacsadaan iyo qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.140225082205_hargeisa_women_fair_512x288_bbc_nocredit

Qaar ka mid ah dumarka soo bandhigay ganacsigooda ayaa sheegay in ujeedadu tahay sidii dumarka loogu dhiirragelin lahaa shaqada iyo ganacsiga oo shaqo abuur loogu samayn lahaa .

Carwadan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah ee lagu qabto Somaliland.

Caasdimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com