Meydka Jarmal laga helay BERBERA!!

Berbera (Caasimada Online) Taliska Ciidanka booliska ee magaalada Berbera, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in Hotelka Mansuur laga helay meydka nin u dhashay dalka Jermalka.

Taliyaha ciidamada booliska, Cali Xeydh ayaa sheegay in ninkan oo ka tirsanaa hey’addaha gargaarka in meydkiisa laga helay qol uu ka daganaa Hotelka Mansuur, isagoona intaas ku daray in ay wadaan baaritaan ku aadan siddii lagu ogaan lahaa sababta uu isku dilay ninkan.

Meydka ninkan ayaa la sheegay in la dhigay Talaajad ku taalla magaalada Berbera, halkaasoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo baaraya sababta uu isku dilay.

Somaliland waxaa ku sugan ajaaniib fara badan, kuwaasoo halkaas u xushay maadam ay ka aammaan fiican tahay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com