Muqdisho: Kooxo toogtay haweeney ka shaqeysa wasaarada caafimaadka

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadi waxa ay xaafada Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ku dileen haweeney ka tirsanee howlwadeena wasaarada caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Shariifo Yuusuf Maxamed, waxaa la toogtay xilli ay ka soo baxay gurrigeeda oo ay ku soo jeeda goobteeda shaqo.

Hooyo Shariifo oo 42-jir ayaa ka tagtay afar carruur ah, waxaana siddaas sheegay wiil ay dhashay oo la hadlay warbaahinta.

Wasaarada caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in haweeneydan ay ka tirsaneed saraakiisha wacyigalinta iyo bixinta Talaalka wasaarada.

Ma cada kooxda dishay haweeneydan, Soomaaliya ayaa tan iyo bishii May waxaa ka socday olole loogu jirro bixinta Talaalka dabeysha.

Waa dhacdadii labaad oo muddo ka yer 24-saac ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xaley ayaey markii nin ku hubeysan tooreey uu ku dilay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqashid Hooyo iyo Wiilkeeda, markii uu qoyskiisa iyo qoyska kale ay murmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com