25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Hargeysa: Rag qodanayey qabriga sheekh caan ah oo la qabtay iyo yaab ka taagan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska degaanka Arabsiyo oo ka tirsan degmada Gebiley ayaa soo qabtay laba nin oo qodayey xabaal u ku aasan yahay Shiikh caan ahaa oo in ka badan konton sanno ka hor geeriyooday.

Ragga la qabtay, waxaa la sheegay inay weheliyeen laba Nin kuwaasoo ilaaliyeyaal u ahaa islamarkaana watay Gaari iyo GPRS.

Waxaa loo gudbiyay xarunta Dambi Baarista magaalada Hargaysa, halkaasoo lagu weydinayo su’aalo la xariira sababta ku kaliftay qodasha Qabriga Shiikha Nus Qarni kahor dhintay.

Gudoomiyaha Arabsiyo Cabdullaahi Cabdi Faarax oo Saxaafadda dhacdadan uga waramay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Arrintani way jirtaa Shiikh Caan ah ayaa nimankan lagu qabtay iyagoo xabaashiisa qodaya”.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu warbixintiisa ku daray Guddoomiye Cabdullaahi, “Rag la socday ayaa baxsaday, balse labadan la hayo waxaa loo gudbiyay magaalada Hargaysa”.

Cabdullaahi Cabdi ayaa intaasi ku daray in Shiikha xabaashiisa ay qodayeen nimankani lagu magacaabi jiray Shiikh Suufi Nuuriye isla markaana ka mid ahaa Culimadii hore ee Arabsiyo.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku dhuftay in goor hore sidaan oo kale uga dhacday deegaanka Arabsiyo kuwaasoo lagu qabtay rag qodanayay Qabuurta Shiikh kale.

Dhacdadan ayaa aad looga hadal hayaa Somaliland waxaana Shiikha xabaashisa la qodayey oo sannad kasta ay dad siyaartaan ay ku beegnayd xilligan maalmihii la booqan jiray.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News