Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa weerar ku qaaday Madaxda Garsoorka Qaranka Kenya oo u badan garabka Mucaaradka.
Uhurro Kenyatta ayaa sheegay inuu walaac ka qabo in madaxda Garsoorka Kenya ay si cad u garab istaagan xiliga doorashada xubnaha u sharaxan Mucaaradka.
Kenyatta waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Gudiyada Garsoorka ee u magacaaban arrimaha doorashada ay dhex dhexaad ka noqdaan dhinacyada ku loolamaya doorashada.
Waxa uu Kenyatta farta ku goday in durba Maxkamada Sare ee dalka ay qaadacday in si hordhac ah loo sii wado daabacaada Kaararka codeynta, waxa uuna shaki galiyay in Gudiyada ay dhex dhexaad ka yihiin howlaha doorashada.
Kenyatta, waxa uu sidoo kale sheegay in la hakin doono doorashada haddii ay dhacdo in leysdaba mariyo Kaararka ama sharciyada loo jideeyay doorashada.
Sidoo kale, Kenyatta waxa uu Garsoorka ku wargaliyay inay ka fogaan doonaan madaxbanaani, haddii ay isku dayaan inay laqdabeeyan howlaha doorashada.
Geesta kale, Doorashada Kenya ee uu shakiga ka muujiyay Uhurro Kenyatta ayaa dhici doonta Bisha danbe, waxa uuna Madaxweynaha Kenya ku taamayaa in mar kale uu qabto hogaanka dalkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

