Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, halkaasi oo lagu wado saacadaha soo socda uu ka dhaco kulanka Golaha Wasiirada XFS ee todobaadkani.
Ciidamada Maamulka Jubbaland, ayaa lagu daadiyay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo iyo sidoo kale wadooyinka waaweyn ee Magaalada, halkaasi oo ammaanka si weyn ay uga adkeynayaan.
Ciidamada isugu jira Kenyaan iyo Soomaali ayaa la geeyay Duleedyada iyo Kontoroolada laga soo galo Magaalada Kismaayo.
Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Kismaayo waxa ay soo sheegayaan jawiga inuu ka duwan yahay sidii hore oo la dareemaayo in ammaanka sare loo qaaday.
Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre, Ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wasiirada ayaa goordhow lagu wadaa inay u ambabaxayaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu qaban doono shirka Golaha Wasiirada todobaadkan.
Shirka Golaha ayaa la filayaa inuu ka dhaco midkood Madaxtooyada Maamulka, Xarunta Caymiska iyo Garoonka Magaalada Kismaayo.
Shirka Golaha Wasiirada ee ka dhacaaya magaalada Kismaayo ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca meel ka duwan magaalada Muqdisho.
Geesta kale, waxaa lagu wadaa in shirarka xiga ay ka kala dhici doonaan magaalooyinka Jowhar, Garoowe, Cadaado iyo Baydhabo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

