28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Daacishtii ugu badnaa oo lagu dhex xasuuqay guri ay ka degnaayen Masar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen warbaahinta dalka Masar, waxaa la dilay Xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo ku dhuumaaleysanaayay dalka Masar.

Xubnahaani ayaa waxaa toogasho ku dilay Booliska dalka Masar, waxa uuna dilkooda dhacay xili ay ciidamadu ku guda jireen howlgal ka dhan ahaa xubnahaasi.

Ciidamada Booliska ayaa weerar ku qaaday guri ay Xubnahaasi kaga dhuumaaleysanayeen magaalada koofureed ee Dairut, waxaana dhexmaray israsaaseyn.

Ciidamada ayaa toogasho ku dilay lixdii xubnood ee ka tirsanaa Daacish, waxaana ay sidoo kale la wareegen Hooyga ay degnaayen xubnahaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa qoraal ay daabacday ku sheegtay in guriga ay ciidamada beegasadeen uu ahaa goob ay maleeshiyada Daacish ka soo abaabuli jireen weerarada argagixiso.

Boolisku waxay sheegeen in ay goobta ka heleen, bambooyin, shan qori iyo rasaas la sheegay in ay isticmaalayeen.

Dowlada Masar ayaa dagaal kula jirta Kooxda Daacish oo waayadii ugu danbeysay Unugyo ku dhex lahaa magaalada Qahira iyo Gobolada kale ee ku hareersan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News