Hargeysa: Xarun caafimaad oo dab xoogan uu ka kacay iyo khasaare ka dhashay

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa xalay saqdii dhexe uu dab xoogan ka kacay Xarun caafimaad oo ku taalay magaalada Hargeysa, midaasi oo lagu magacaabo Hayat Diagnostic Center.

Dabkaasi ayaa xalay abaaro 2:45-AM habeeno ka kacay Xaruntaasi, iyadoona muddo 4-saac iyo dheeraad ah lagu howlanaa daminta dabkaasi oo aad u xoogana, balse markii dambe ay Ciidamada dab-damisku ku guuleysteen xakameyntiisa.

Waxaana dabkaasi xoogan ka dhashay khasaaro hantiyeed oo badan, sida ay Ciidamada dab-damiska Hargeysa ku sheegen war qoraal ah oo ka soo baxay, kaasi oo u dhigna sidan:

“Abaaro 2:45 ee habeenimadii xalay ayaa dab xooggan ka kacay goobta sawirrada Caafimaadka ee Hayat Diagnostic Centre, dabkan oo ahaa dab laxaad leh ayaa ka bilaabmay dhismaha oo ka koobnaa laba qaybood, dhisme hore iyo dhismayaasha dambe ee casriga ah.

Dhismaha qaybta hore ayaa dabku ka bilaabmay kuna xooganaa iyadoo halkaasna ka dhashay khasaare hantiyeed, halka dhismaha cusub ee fooqa ah ay ciidanka Dab-demisku dabkaa ka xakameeyeen kana hor istaageen inuu ku fido dabku, iyo meherado oo u badnaa bakhaaro oo ku dhinac yaalay.

Dabkan waxaa ka hawlgalay 12-Gaadhi oo Dab-demis ah iyo 85 Xubnood oo heegan u ahaa haddii dabku sii fido, kuwaasoo ka kala yimi dhamaan xarumaha ciidanka Dab-demiska Caasimadda Hargeysa.

Waxaa dabkan dhaawac ka soo gaadhay 4 Xubnood oo Ciidanka Dab-demiska ah, kuwaasoo ku hawlanaa xakamaynta iyo nabadgelyanta qalabka cusbitaalka.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa isagoo hawlgalka ku jira laba jeer ku siibtay marmarka goobtaas.

Hawlgalkan ayaa ilaa habeenimadii xalay ilaa saaka subaxdii hore ay heegan ku ahaayeen goobtaas Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Taliye Xigeenka, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska iyo dhamaan saraakiisha ciidanka, sidoo kale waxaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay labada Taliye qaybeed ee Ciidanka Booliska Caasimadda iyo xarumahooda.

Dabkan ayaa la soo gabagabeeyay abaaro 6:45 Subaxnimo ee subaxnimadii hore saaka, waxaana ciidanka Dab-demisku badbaadiyeen hanti badan oo dhex taalay dhismaha goobtaas, iyadoo dhamaan dabkaas laga hakiyay dhismaha cusub ee xarunta oo ay yaalleen qalab aad u farabadan”.