31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Haweenay $1.2 milyan u ururisay kooxda Al-Shabaab oo xukun adag lagu riday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, oo hore Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu soo oogay dacwad culus.

Haweenaydan ayaa loo haystay kiis la xiriira ka mid ahaanshaha ururka argagixisada ee Al-Shabaab, maalgellinta falal argagixiso iyo dhaqidda lacago sharci darro ah.

Baaritaannada iyo caddeymaha uu xafiisku horgeeyay Maxkamadda ayaa muujiyey in Nadiifo ay akoonkeeda marsiisay lacag gaareysa $1,237,010. Lacagtaas oo loo adeegsaday maalgellin argagixiso, lacag dhaqid iyo fulinta hawlaha argagixisada, iyadoo la raacayo caddeymahaas,

Sida ay shaacisay xeer ilaalintu, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay ku xukuntay haweenaydan 15 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $20,000.

Sidoo kale, waxay maxkamaddu go’aamisay in la baabi’iyo akoonnada ay leedahay Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, isla markaana lagu wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee akoonkeeda ku jira.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu caddeynayaa in ay ka go’an tahay la-dagaallanka maalgellinta argagixisada iyo dhaqidda lacagta sharci darrada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa mar kale u digtay cid kasta oo ku hawlan falalka khatarta ah ee ka dhanka ah ammaanka iyo dowladnimada in sharciga hortiisa la keeni doono si cadaaladda loo waafajiyo.

- Advertisement -

Read more

Local News