27.4 C
Mogadishu
Saturday, April 11, 2026

Maxaa dhex-maray Trump iyo Netanyahu kahor inta aysan Israel weerar ku qaadin Qatar

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa subaxnimadii Talaadadii hore ku wargeliyey Madaxweyne Trump in Israel ay qorsheyneysay inay weerarto hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan Qatar, wax yar ka hor inta uusan weerarku dhicin, sida ay warbaahinta Axios u sheegeen saraakiil Israeli ah oo xog-ogaal toos ah u ahaa arrintan.

Aqalka Cad ayaa ku andacooday in lagu wargeliyey oo keliya markii gantaalladu ay hawada ku jireen, taasoo Trump aanay siin wax fursad ah oo uu kaga soo horjeesto weerarka. Si kastaba ha ahaatee, toddoba sarkaal oo Israeli ah ayaa Axios u sheegay in Aqalka Cad uu arrintan ogaa waqti ka horreeyey, xitaa haddii fursadda lagu joojin lahaa ay ahayd mid aad u kooban.

Markii fiidnimadii Talaadada la weydiiyey in Israel ay horay usii wargelisay iyo in kale, Trump wuxuu ku adkeystay inaan la soo ogeysiin. Wuxuu si fagaare ah uga horyimid weerarka, isagoo sheegay inuu ka xun yahay, maadaama Qatar ay tahay xulafo muhiim u ah Mareykanka.

“Sida uu Madaxweyne Trump sheegay, Ciidanka Mareykanka ayaa ku wargeliyey weerarka Israel ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Doha, isaguna wuxuu si degdeg ah u amray Ergaygiisa Gaarka ah Steve Witkoff inuu ogeysiiyo dowladda Qatar,” sidaas waxaa Axios u sheegtay Xoghayaha Warfaafinta, Karoline Leavitt.

Ka dib markii uu warkani soo baxay, Trump ayaa mar kale beeniyey inuu horay wax xog ah uga hayey, isagoo ku andacooday inuu weerarka ogaaday isla waqtigii ay shacabkuba ka war heleen.

Sheekada ay saraakiisha Mareykanku soo bandhigeen asbuucii hore ayaa ahayd in milateriga Mareykanku ay arkeen diyaaradaha dagaalka ee Israel oo hawada ku jira, ayna Israel ka dalbadeen sharraxaad, balse jawaabtaas aysan helin ilaa iyo markii gantaallada ballistic-ga ah ay hawada ugu jireen dhanka xarunta Xamaas ee magaalada Doha.

Aqalka Cad wuxuu sheegay in Witkoff uu ku degdegay inuu u digo dhinaca Qatar, balse ay markaas gantaalladu horey u wada dhaceen. Warbaahinta, oo ay ku jirto Axios, ayaa horey u tebisay in aan Trump lagala tashan arrinkan.

In la duqeeyo dal xulafo la ah Mareykanka iyadoo aan lagala tashan Washington waxay noqon lahayd tallaabo dhiirranaan aan caadi ahayn oo ay Israel qaadday — gaar ahaan maadaama hoggaamiyeyaasha Xamaas ay isugu imanayeen si ay uga arrinsadaan hindisihii nabadeed ee ugu dambeeyay ee Trump ee ku saabsanaa Marinka Gaza.

Sida ay sheegeen saraakiisha Israel, Netanyahu wuxuu Aqalka Cad wargeliyey waqti aad u dambeeyey, balse wuxuu ahaa waqti weli suuragal ka dhigi karayey in weerarka dib looga laabto.

Saddex sarkaal oo Israeli ah ayaa u sheegay Axios in Netanyahu uu Trump kala soo xiriiray arrinta weerarka abbaare 8:00 subaxnimo ee waqtiga D.C. Wararka ugu horreeya ee qaraxyada Doha ayaa soo baxay 8:51 subaxnimo.

“Trump wuu ogaa weerarka ka hor inta aan gantaallada la ridin. Marka hore waxaa jiray wada-hadal siyaasadeed oo dhex maray Netanyahu iyo Trump, kaddibna waxaa la sii marsiinayey isgaarsiinta militariga. Trump ‘maya’ ma dhihin,” sidaas waxaa ku andacooday sarkaal sare oo Israeli ah.

Sarkaal kale oo sare oo Israeli ah ayaa sheegay in Mareykanka “waqti hore” lagu wargeliyey heer siyaasadeed ahaan. “Haddii uu Trump doonayo inuu joojiyo, wuu awoodi lahaa. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, ma uusan samayn.”

Labada sarkaalba waxay sheegeen in aan weli gantaallada la ridin markii ay Trump iyo Netanyahu wada hadlayeen, waxayna ku andacoodeen in Israel ay baajin lahayd weerarka haddii uu Trump ka soo horjeesan lahaa.

Aqalka Cad kama uusan jawaabin su’aalo gaar ah oo ku saabsanaa kala-horreynta dhacdooyinka. Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa diiday inuu ka faalloodo warkan ka hor inta aan la daabicin ama inuu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyey.

Markii warku soo baxay kaddib, xafiisku wuxuu soo saaray bayaan afka Ingiriisiga ku qoran oo lagu sheegay in “sheekada Aqalka Cad ee dhacdooyinka ay sax tahay” ayna Israel kaligeed mas’uul ka tahay wixii dhacay.

Saraakiisha Israel ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan wada-hadalkii dhex maray Trump iyo Netanyahu — tusaale ahaan, in Netanyahu uu si fudud Trump ugu sheegay qorshaha Israel iyo inuu si cad uga codsaday ogolaansho.

Sidoo kale ma cadda in Trump uu si degdeg ah ula wadaagay macluumaadka saraakiishii ay khuseysay, kuwaasoo qaarkood ay si weyn uga careysnaayeen Netanyahu weerarka kaddib.

Netanyahu ayaa marar badan sheegay in weerarku ahaa tallaabo ay Israel kaligeed qaadday, oo ay ku jirto shir jaraa’id oo uu Isniintii qabtay isagoo uu garab taagnaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio. Rubio ayaa Talaadada maanta ah u safri doona Doha si uu wada-hadallo ula yeesho saraakiisha Qatar.

Sarkaal saddexaad oo Israeli ah ayaa isaguna xaqiijiyey in Israel ay horay u wargelisay maamulka Trump, balse wuxuu sheegay in Israel ay go’aansatay inay la jaanqaaddo beeninta Aqalka Cad ee ah inaan horay waxba looga ogeysiin.

“Dhinaceena, waxaa la go’aansaday inaan arrintaas kaga caawinno si loo ilaaliyo xiriirka Mareykanka iyo Israel,” ayuu yiri sarkaalku.

“Mareykanku riwaayad ayey dhigayaan. Waan la socodsiinnay weerarka,” ayuu yiri sarkaal afaraad oo Israeli ah.

“Waxa ay fagaaraha ka sheegayaan waa inaan si dhab ah loo qaadan,” ayuu yiri sarkaal shanaad oo Israeli ah.

Sarkaal lixaad oo Israeli ah ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee maamulka Trump uu “waxyaabo ka been sheego” wada-hadalladooda Israel sababo la xiriira dano siyaasadeed.

“Ilo-wareedyadan Israeli-yiinta ah ee aan magacooda la sheegin ee eedeymaha beenta ah u jeedinaya Madaxweynaha Mareykanka iyo Maamulkiisa waa inay caqli yeeshaan,” sidaas waxaa Axios u sheegay sarkaal Mareykan ah.

Weerarkii Doha wuxuu gilgilay xiriirkii u dhexeeyey Mareykanka iyo Qatar, wuxuu abuuray xiisad u dhexaysa Mareykanka iyo Israel, wuxuuna si weyn u kordhiyey go’doominta Israel ee heer gobol iyo heer caalamiba.

Shan xubnood oo Xamaas ka tirsan iyo hal sarkaal oo ka tirsan ciidanka amniga Qatar ayaa ku dhintay weerarka, balse Xamaas waxay sheegtay in dhammaan hoggaamiyeyaashoodii sare ay ka badbaadeen.

Saraakiil Israeli ah ayaa arrintaas u xaqiijiyey Axios, waxayna sheegeen in sirdoonka la helay weerarka kaddib uu muujinayey in hoggaamiyeyaashii sare ay ka baxeen dhismaha wax yar ka hor intaanay qaraxyadu dhicin.

 

- Advertisement -

Read more

Local News