Haweeney isku daldashay magaalada Muqdisho & Warar kala duwan oo kasoo baxaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia isku dishay Haweeney lagu magacaabi jiray Xaawa Cali Maxamed.

Haweeneydaan ayaa cawa isku dishay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in dilkeeda uu ka danbeeyay kadib muran iyo xanuun isku biirsaday.

Haweeneydan ayaa dilkeeda waxa uu si gaara uga dhacay dhisme ku dhow Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, waxaana la xaqiijiyay inay is daldashay.

Dadka qaar ayaa sheegaya in waayadan danbe ay qabtay xanuunka dhimirka, waxaana u raacay buuq kaga shidnaa qoyskeeda.

Haweeneydan waxaa Meydkeeda lagu baarayaa Xarunta Dembi Baarista ee CID, waxaana laga shaki qabaa in dilkeeda xitaa uu la xiriiro arrimo kale.

Maamulka Degmada ayaan weli ka hadal is daldalaada Haweeneydaan oo siyaabo kala duwan looga warbixinaayo, waxa uuna dilka ceynkaan ah mudooyinkanai danbe ahaa mid sii kordhaayay.

Si kastab aha ahaatee, marxuumad Xaawa Cali Maxamed ayaa da’deeda lagu sheegay 35 jir ifka uga tagtey laba wiil.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com