Hasan Nasrulah oo Jawaab kulul ka bixiyay Duqeyn ay Israel ka geysatay Garoonka Militeriga Syria

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Ururka Xisbulah ee Dalka Iran Sheekh Hasan Nasrulah ayaa wax laga caroodo ku sheegay talaabada ay Israel duqeynta uga fulisay Garoonka Diyaaradaha ee Ciidamada Suuriya ku Leeyihiin Gobolka Homs ee Dalkaasi.

Sheekh  Hasan Nasrulah, ayaa sheegay in Israel ay ka weecaneyso xeerka dagaalka, balse waxa uu tilmaamay in itaal xumo ay iyada ku danbeyn doonto.

Nasrulah ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliilay qar iska xoornimo, waxa uuna intaa ku daray in ay iyagu qaadi doonaan mas’uuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas.

Nasrulah, waxa uu sheegay in diyaaradaha Dagaal Israeli ay si toosa gantaalo ugu dhufteen Garoonka Diyaaradaha ee Ciidamada Suuriya ku Leeyihiin Gobolka Homs ee Dalkaasi, waxa uuna cadeeyay in wixii khasaaro ah ay dusha saran doonto Israel, isla markaana Xisbulah ay is garabtaagi doonto Syria.

Hassan Nasrulah oo qudbad ka Jeedinaayay Talefishinka isaga oo ku sugan Magaalada Beirut ee Caasimada Lubnan ayaa sheegay in weerarka Israel ka Geysatay Syria uu noqon doono Taariikh Qaldan oo ay Gashay.

Hogaamiyaha Xisbulah ayaa dhanka kale weerarka Israel ku tilmaamay mid daan daansi iyo ka fiirsasho la,aan ah.

Laba diyaarad oo ay wateen Ciidamada Israel ayaa Sideed Gantaal waxaa ay la Beegsadeen Garoonka ay Leeyihiin Milatariga Suuriya iyaga oo adeegsanayay Garoon ku yaal dalka lubnaan sida ay sheegeen Saraakiil Ka tirsan wadanka Ruushka.

Sidoo kale, Nasrulah waxa uu qiray in weerarkaan uu ka dhacay meel qiyaastii 40 Kiilo mitir kaga beegan Galbeedka Magaalada Palmyra waxaana ku dhintay 14 ruux oo afar kamid ah ay u dhasheen wadanka iiraan.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Dowladaha Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ay xalay duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay u adeegsatay dadkeeda magaalada Duma ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya.

Dhinaca kale, Duqeymahan ayaa iyana lala beegsaday, xarun dhinaca cilmibaarista Seyniska a, goob lagu keydiyo hubka Kiimikada iyo xarun weyn oo military oo ka mid ah xarumaha laga hago milatariga Syria.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com