Sawirro: Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay dalka Sacuudiga?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam oo maalinta barri ah uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta Ciidanka Cirka ee Boqor Cabdicasiis, waxaana soo dhaweeyey Xog-hayaha Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu al-Qeyd.

Mas’uuliyiinta soo dhaweysay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Amiirka Mandaqadda Bari ee Boqortooyada Amiir Sacuud Binu Amiir Naayif, Safiirka Somalia u fadhiya Sucuudiga Daahir Maxamuud Geelle, Taliyaha Xarunta Ciidanka Cirka Boqor Cabdicasiis Sarreeya Guud Ciid Binu Baraak, Amiirro iyo dibulaasiyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Waxaa diirada lagu saarayaa Shirka 29-aad ee Madaxda Jaamacadda Carabta qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya.

Madaxda carabta ayaa si qoto dheer uga doodi doona xal u helida dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llahi Fatmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhaxeeya dalalkaas Somalia.