Maxaa ka jira qorshaha xubno aan u dhalan beesha Jawaari looga dhigayo guddoomiyaha BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil; ayaa kamid ahaa Mudanayaashii waday Mooshinkii ka dhanka ahaa Afhayeenkii Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ee Kolkii dambe is casilay.

Shaqsiga Xilkaan isku soo taagi karo waxa uu ku sheegay in shuruud ahaan ay hor taallo in uu kamid yahay Golaha Shacabka, sidoo kalana uu kasoo jeedo Beesha Xildhibaan Jawaari.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in awood qeybsiga lagu kala qaatay Hay’adaha Dowladda lagu qeybin doono, kaliyana Xilka looga wareejin karo kolka ay ku heshiin waayaan.

Dhanka kale waxa aan hordhignay hadii uu Xilka u tar-tamo qof ay isku heeb yihiim Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in labadooda ay Xilka ku weyn karaan, arrintaasina waxa uu ku tilmaamay in aanan isku xirneen, Labadaas mas’uul Xilkoodana aanan saameyn ku laheyn.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tibaaxay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay ka fakiraan doorashada Xildhibaanada Soo socda ee la qorsheynayo in ay ku yimaadaan Doorasho qof iyo Codkii ah.

Shaqsiyaadka isku hayo Xilalka Hay’adaha Fulinta iyo Xeer dejinta ayuu ku sheegay in ay yaraadeen, taasina ay sababtay in Xukuumadda ay keento dad ka banaanka ah Golaha Shacabka.

Caqabadaha ugu weyn ee horyaalla Xukuumadda waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin Wasiirada, Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha oo 90% laga keenay Banaanka, dhaliilaha loo jeedinaya ay wali taagan yihiin.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa laga doonayaa in uu gudoomiye cusub doorto muddo ku siman 15-Maalin oo ka bilaabaneysa Maalintii uu Xilka iska Casilay Gudoomiyihii Golaha Shacabka.