Maxaa kajira In Imaaraadka saanad ciidan looga reebay Boosaaso kadib mudo ay xayirneed diyaarad qaadaysay saraakiil ciidan?

Boosaaso-(Caasimadda Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay la fasaxay  diyaarad iyo saraakiil Imaaaraad ah oo ku xayirnaa garoonka magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan Garoonka Boosaaso,isla markaana Maanta diyaaraadaas  xanibay ayaa waxa ay sheegeen in wadahadal kadib diyaaradii iyo saraakiishii la socotay la fasaxay.

Maamulka Puntland wali faah faahin kama bixin Balse Wariyaal ku sugan Garoonka Boosaaso ayaa xaqiijiyay in diyaarada la sii daayay Islamakaana ay la baxday saraakiishii ka joogtay deegaanada Puntland ee Soomaaliya.
Saraakiishii iyo  shaqaalihii la socday diyaaradda Imaaraadka ayaa la sheegay in baaritaan la marsiiyay halka markii hore aysan sidaas dhici jirin.

Xayiraada diyaaradaas ayaa sabab u aheyd kadib shaki ka yimid in ay wateen Saraakiisha Boorsooyin aan la ogeyn wxii ku jiray,waxana xusid mudan in 8-dii Bishaan Garoonka Muqdisho lagu qabtay Diyaarad ka timid Imaaraadka oo siday lacag dhan 9.6 Milyan oo dollar.

Saraakiisha Imaaraadka oo ahaa saraakiil milateri oo degaanada Puntland ka howlgala, iyadoo arrintan timid kadib markii ay diideen in la baaro Boorsooyin iyo Sanaadiiq ay wateen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimad@live.com