Faahfaahin Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka oo lagu xayiray magaalada Boosaaso

Boosaaso-(caasimadda Online) – Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee magaaladaasi ay ku xayireen garoonka diyaaradaha Boosaaso diyaarad laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Illo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Diyaaradaas ay la socdeen Saraakiil tababarayaal ah oo u dhashay Imaaraadka,isla markaana ciidamada Puntland ay ka shakiyeen Diyaarada oo siday Boorsooyin,isla markaana Saraakiisha Imaaradka ay diideen in la baaro.

Saraakiisha Imaaraadka ee tababarayaasha ah ee diyaarada la socda iyo kuwa puntland aya isku fahmi waayey in baaritaan lagu sameyo Boorsooyinka ay wado,xili 8,dii Bishaan Muqdisho lagu qabtay diyaarad siday Lacag ka timid Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee la xiriira xayiraada diyaaradan loo geystey.

Xiriirka dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay tan iyo markii dhowaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag malaayin doolar ah taasoo sababtay in labada dal ay hadalo kulul isweydaarsadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimad@live.com