Ruushka: “Mareykanka iyo saaxiibadii 100 gantaal ayey rideen badankood waan qabannay”

Muqdisho (Caasimadda Online) –Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayaa war ka soo saartay weerarka saaka Mareykanka iyo Xulafadiisa ay kula jarmaadeen dalka Syria.

Warbixin war yar ka hor ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayey ku sheegtay in Mareykanka,UK iyo France ay wax ka badan 100 Gantaal ku rideen dhulka Syria islamarkaana Nidaamka difaaca gantaalaha ee Syria uu fashiliyay kuwo badan.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Ruushka uusan wali tallaabo qaadin,islamarkaana hadda dowladda Syria ay ku jirto iska difaacidda weerarka gardarrada ah ee uga imanaya Mareykanka iyo isbaheysiga la socda.

Dhinaca kale war ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibbadda Ruushka ayey ku sheegtay in Syria ay ka bad baadday Gugii Carabta,sidoo kale ka bad baadday Ololihii Daacish ee 2014/2017,haddana ay wajaheyso waxa ay ku tilmaameen Gantaallada caaqilka ah ee Mareykanka.

Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Maraykanka ayaa digniin uu bixiyey ku sheegay in cawaaqib ay ka dhalan doonaan weerarka lagu qaaday Suuriya.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku.

Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weerarada wada jirka ah ee dalkaa lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Iran ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliishay qar iska xoornimo, waxa aanay intaa ku dartay in ay iyagu qaadi doonaan masuuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas.

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa ku warantay in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baadhista Dimishiq uu khasare kooban gaadhsiiyey goobtaa, hase yeeshee ay weeradda Xums ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ahi.

Wararka kale ee ka imanaya Suuriya ayaa qaarkood tibaaxayaan in goobo milatari oo ay ku jiraan xarumahaas weerarada lagu qaaday, todobaadkan horraantiisii laga daabulay saanaddii taalay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimad@live.com