Warbixin: Loolanka xilka guddoomiyaha BF iyo magacyada shaqsiyaadka la kala wato

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan uu xilkii iska casilay  Pof: Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa durba soo baxaya shaqsiyaad ay kala wataan  siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Fahad Yaasin agaasimaha madaxtooyada.

Hadaba Shaqsiyaadka ay  kala wataan kooxahaan iyo qabiilada  ay ka soo jeedan Musharaxiinta  doonaya oo aan xog hoose ku helnay.

1:  Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Khayre, Fahad Yaasin ayaa dhankooda wata Afar musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle, ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle jufada , Luwaay sidoo kalane ka tirsan kooxda Alla Sheekh ee xisbiga Madaxweynahii hore Dowladda KMG Sheekh Sharif, halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye oo katirsan Kooxda Damjadiid balse horey loogu diiday Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta .

Sidoo kale waxaa Jiro Musharax Madaxweyne Farmaajo wato oo uu Abti u yahay laguna Magacaabo Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen) oo la rabo in uu ku guuleysto doorashada baarlamaanka.

2: Faarax Sheekh Cabdullqaadir oo ka mid ah Hogganka Sare Kooxda Damjadiid ayaa wata Musharax Shariif Maxamed Cabdalla  una dhashay Digil & Mirifle jufada , Asharaaf oo kamid ah kooxda AL Islaax horayna isku xisbi u ahaayeen balse isku qabteen doorashadii 2012 oo aay soo kala sharaxdeen Cabdiraxman Baadiyoow iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbeyn xiligaas noqday Madaxweynahii haatan lagu badalay Maxamed Cabdullahi Farmaajo sidoo kale wata balse aynaan war isku heyn Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Cabdiweli Muudeey oo doonaya in isaga ku shaqeesto.
Faarax  Sheekh Cabdulqaadir ayaa raba in hadii shaqsigaasi ku guuleesto Gudoomiyaha Baarlamaanka in Mooshin xilka loogu tuuro Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidaasna ku taageerayo maadama is fahan uu dhex maray.
3: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka u wata Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen (Badni) oo udhashay Digil & Mirifle jufada , Dabare isaga oo dhankale u balan qaaday in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhigi doono shaqsiyaad kale.

Maadama Kooxo baddan isku biirsadeen dhanka kale waxaa Mooshinkii xiligii ugu danbeeyay isaga baxay   Sheekh Aadan Madoobe oo ogaaday in shaqsiyaad kale loo wado Gudoomiyaha Baarlamaanka balse waxaa la sheegay in aay ka go,an tahay in uu isku sharaxo Xilka Gudoomiyaha Golaha shacabka.

4:Sidoo kale Waxaa jiro Musharax  ,  qofna aay wadan waa Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow, oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Ee Somalia isla markaana ah Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo la xaqeejiyay in uu isku  sharaxi doono Gudoomiyaha Golaha shacabka.