Maxaa ka jiro inay dowladda Soomaaliya dib ugu celineyso Lacagtii Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dib u celineyso lacag lagu qabtay garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ku socotay safaaradda Imaaraadka.

Lacagtan oo cadadkeedu ay Wasaarada Amniga gudaha ku sheegay 9.6 Milyan doolar ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxaa ugu danbeyn go’aan lagu gaaray in dib loogu celiyo dowladda Imaaraadka iyadoo loo marinayo safaaradeeda Muqdisho.

Baaritaan ku saabsan lacagtan iyo halka ay ku socotay ayaa qaatay muddo ku dhow toddobaad, kadib markii ciidamada NISA ay la wareegeen, lana geeyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa maraya heerkii ugu xumaa, iyadoo labada dal ay is weydaarsadeen ereyo kulul, waxaana la sheegay inay labada dowladood ay ku dhex jiraan Sacuudiga iyo Masar oo dadaal ugu jira in xal loo helo xiisada diblomaasiyadeed.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Boqorka dalka Sacuudiga ku  dacweysay dowladda Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inay Sacuudiga dhex dhexaadin bilowdo isla markaasna lasoo afjaro xiisadda siyaasadeed ee hal sano jirsatay.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa faragelin qaawan ku heyso dalka Soomaaliya, waxaana Dakado ku yaalo Soomaaliya kula wareegtay qaab aan sharci aheyn taasoo keentay inuu Khilaafka cirka isku sii shareero.

Dowladda Imaaraadka ayaa Soomaaliya u tababartay ciidamo badan kuwaas oo ay iyada u taliso, balse waxaa hadda la qorsheenayaa in ciidamadaas lagu soo daro kuwa dowladda maamusho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimad@live.com