Taliyayaal ka tirsa NISA oo xilalka laga xayuubiyay iyo kuwo cusub oo la magacaabay

Beledweyne (Caasimada Online) – Sida lagu qeexay qoraal kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, waxaa isbedel dhanka ciidanka ah lagu sameeyay talisyada Hay’adda ee ka howlgalla gobolka Hiiraan.

Isbedelka ayaa saameyay Taliyayaasha NISA ee Gobolka Hiiraan iyo kan Degmada Baladweyne.

Waxaa xilka laga qaaday Taliyaha NISA ee Gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamuud Abuubakar, waxaana lagu bedelay Cabdi Maxamed Cali.

Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday oo isbedelka uu ku dhacay Taliyaha NISA ee Degmada Beledweyne Colaad C/llahi Cismaan.