FAADUMO DAYIB oo rabta inay dhigto taariikh aan horey uga dhacin Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida maanta lagu soo dabaacay Wargeyska Yle ee ka soo baxa caasimadda dalka Finland ee Helisinki haweeney Somali haysata dhalashadda dalka Finland, laguna magacaabo Faadumo Dayib tahay haweeneydii ugu horreysay ee isku soo sharaxda Madaxweyninimadda Somalia, kana qeyb geli doonto Doorashadda dhici doonto sannadka 2016-ka.

Faadumo Dayib oo haatan Cilmiga Dadweynaha barata, ayaa rajeynayso inay haatan diyaar u tahay inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madaxweyne ka noqota Somalia.

Faadumo Dayib
Faadumo Dayib

“Waxaan doonayaa inaan noqdo Madaxweynaha Somalia, waayo waxaa rumeysnahay inay haweenka fursad u haystaan ay ku hoggaamiyaan Somalia” ayey tiri, waxayna intaasi ku dartay in haweenka laga ilaalin jirey inay Siyaasadda soo galaan, balse ay Somali haatan diyaar u tahay inay yeelato Haweney Madaxweyne ah.

Dhinaca kale, Musharax Madaxweyeninimo Faadumo Dayib waxay Wareysiga ay siisay Wargeyska Yle ku muujisay inay sannadka soo socdo imaan doonto Somalia, si ay u bilowdo ololaheeda Musharaxnimo.

“Waxaa jira Soomaali iyo shisheeye ka kala yimid Calaamka oo ka mid ah Kooxda wada Ololahayga, waxayna intooda badan si naf-hurnimo leh igu taageerayaan, iyagoo ila qaba Ra’yiga ah inay haweeney Madaxweyne ka noqon karto Somalia” ayey tiri.

Faadumo Dayib oo Qaxootinimo ku tegtay dalka Finland sannadihii 1990-kii ayaa carrabka ku dhufatay inay khatar weyn tahay in Siyaasi ama Nusharax laga noqdo Somalia, waxayna xustay in dhowr jeer looga digay in la dili doono haddii ay Musharax noqoto

Xigasho:- Yle

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com